Skip to main content Skip to office menu Skip to footer
Capital IconMinnesota Legislature
Skip Navigation Links >

Frequently Asked Questions About the Minnesota Legislature

Soomaali

Barnaamij tijaabo ah ee adeegga turjubaanada ee kulamada golaha sharci dajiyayaasha ayaa la bilaabay 2024 kaasoo soconaya ilaa kulmada 2025 ee sharci dajiyayaasha.

LCC Language Services oo kaashaneysa University Language Center waxa ay shaqaalaha iyo xubnaha golaha u fidineysaa adeegga luqadaha ee Hmong, Somali, iyo Spanish marka ay gudanayaan hawlahooda rasmiga ah.

Adeegga luqadaha ee tarjumada qoraalada ah (qoraal) iyo kan afka ah (hadal) ee kulamada golaha, kulamada gudiyada, kulmada dadka ay matalaan, sahanka, qoraalada, ogeysiisyada, warbixinada, fariimaha codka ah, iyo jawaabaha.  

Adeega sharciyada ma aha mid loogu talo galay tarjumada qoraalada (qoraal) iyo kan afka ah (hadal) ee sharciyada, go’aamada, sharciyada horudhaca ah, qoraalada baraha bulshada, wararka saxaafadda, kulamada xaafadaha, ama waxyaabaha la xiriira doorashada.    

Dadweynaha ayaa codsan kara adeegga turjubaanada iyada oo u soo gudbinaya sharci dajiyayaasha, kalkaaliyayaasha sharci dajiyayaasha, ama shaqaalaha gudiyada ayaa la doonayaa in ay soo gudbiyaan codisga.    

Halka lagala xiriirayo kalkaaliyayaasha sharci dajiyayaasha waxa aad ka heli kartaa adiga oo gujiya magaca sharci dajiyaha Liiska Xubnaha Aqalka ama Liiska Senitarada. Waxa aad cinwaanka maamulayaasha gudiyada ka heli kartaa Liiska Gudiyada Aqalka  ama Liiska Gudiyada Senadka . Waxa aad ka codsan kartaa shaqaalaha la shaaqeeya sharci dajiyayaasha, ama shaqaalaha codsan kara adeegga turjubaanada ee dadweynaha.

La xiriir language.services@lcc.mn.gov haddii aad wax su’aal ah ka qabto.

Haddii aad dooneyso turjubaanada Luqadda faraha lagu wada hadlo (American Sign Language), fadlan akhri su’aalaha iyo jawaabaha inta badan la is weydiiyo:   Ma jiraan adeeg loogu talo galay dadka dhagaha la’a ama maqalku ku adag yahay?